Join the library: Somali

Ku biirista maktabada
Soomaali

Kia ora iyo ku soo dhawaada dhammaan waxyaabaha cajiibka ah ay bixiso maktabadaada.

Waxaan kugu soo dhaweyneynaa adiga iyo qoyskaaga inaad isticmaashid Maktabadaheena Magaaladda Christchurch.

Waa bilaash ku soo biirtid maktabada haddii aad ku nooshahay ama aad ku bixisid qiimooyin aaga Gollaha Magaaladda Christchurch.

Si aad ugu soo biirtid maktabada waxaa u baahantahay:

  • Aqoonsi: midkood baasaboorkaaga ama 2 noocyo kaloo aqoonsi ah, sida la doorbido mid wato aqoonsiga sawirka. Haddii canug uu ku soo biirayo, waa waalidka / masuulka
    sharciga ah qofka u baahan aqoonsiga.
  • Cadeynta ciwaanka (aan ka weyneyn wax ka badan 30 maalmood). Tan waxay noqon kartaa warqad ka timid bankigaaga, dugsiga, korontada ama shirkadda taleefonka. Noocyada
    dhijitaalka ah ee dokumentiyada ayaa sidoo kale la aqbali karaa.

Sharuudaha xubinnimada

Tixraac hoos ee ‘inaga’ ama ‘annaga’ ayaa laga doorbidaa Maktabadaha Magaaladda Christchurch (qeybta Gollaha Magaaladda Christchurch), iyo tixraaca ee ‘Aniga, ‘idinka’ ama ‘wixiina’
ayaa ah tixraaca xubinkaas.

Aniga iyo/ama qofka (dadka) igu tiirsan waxay ku biireen maktabada oo way aqbaleen masuuliyadaha sheeyo walba ee la amaahsaday.

Waan aqbalay inaan:

  • Sharuudaha Xubinnimada. Kuwaan waxay badeli karaan. Sharuudaha la cusbooneysiiyay waxaa laga helayaa websaydkeena.
  • Ka soo celi dhammaan sheeyaha la amaahsaday maktabada oo taariiqdooda la sugayo, oo xaalad fiican ah.
  • Noo soo sheeg islamarkiiba haddii kaarkaaga uu lumo ama la xado ama haddii sharaxaadaha xiriirkaaga isbadelo.
  • Bixntai wixii dalaacaadyo ah, waxyeelooyinka, dalacaadyada beddelada, qidmooyinka howsha iyo qidmooyinka aruurinta uu galo akoonkaan.
  • Isticmaalka hay'ada aruurinta deynta ee soo kabeyso deynta aan la bixin.

Bayaanka gaarka ah: Sababtee ayaan u aruurineynaa warbixintaada shaqsiga?

Si ay kuugu suurtogeliyaan helitaanka adeegyada Maktabadaha Magaaladda Christchurch (qeybta Gollaha Magaaladda Christchurch).

Waxaan u isticmaalnaa warbixintaada shaqsiga inaan kaala soo xiriirno iyo ujeedada maareynta xubinnimadaada maktabada, sidoo kale sida inaan kuu sheegno adeegyada iyo dhacdooyinka Gollaha. Macluumaadkan waxaa la siin karaa shaqaalaha Gollaha ku haboon iyo/ama hay'ada deynta haddii aan u baahano inaan soo kabno deynta maqan. Qidmada soo kabida deynta way quseyneysaa.

Waxaad geli kartaa warbixinta shaqsiga aan kaa hayno adiga oo waad codsan kartaa codsiga lagu badelayo.

Haddii aadan bixin warbixinta la codsaday, maktabada way diideysaa codsigaaga xubbinimada.

Wixii warbixin dheeraad ah booqo: my.christchurchcitylibraries.com

Warbixinta loogu tallogalay xubnaha cusub ee maktabada

  • Haddii aad lumisid kaarkaaga maktabada ama la xado, fadlan noogu sheeg sida ugu dhaqsiha badan ee suurtogalka ah taleefon ahaan 03-941-7923, adoo booqanayo websaydkeena ama la xiriirayo maktabada deegaankaaga. Fadlan nasoo ogeysii haddii aad ka guurtid guri ama haddii kuwa ka mid ah sharaxaadahaaga isbadelaan taleefon ahaan ama adoo booqanayo maktabada deegaankaaga.
  • Waxaad ku isticmaali kartaa kaarka maktabada Maktabad walboo Magaaladda Christchurch. Sheeyada waxaa lagu celin karaa maktabad walba ee shabakadeena ah.
  • Buuggaagta badankooda waxaa la amaahsan karaa 28 maalmood. Waad cusbooneysiisan kartaa sheygaaga hal jeer illaamaa uu codsado macmiil kale. Muddooyinka maahsashada
    way ka duwantahay sheeyada kale. Sheeyada badankood ee ku jiro aruurinta guud waa bilaash. Ibiyayaasha ugu wanaagsan, buuggaagta hadlo, CD-yada, iyo DVD-yada badankood waxaa lagu galaa dalacaad.
  • Haddii aad bixiso ciwaankaaga i-meel, waxaan kuu soo diri doonaaxasuusin 3 maalmood ka hor inta aan sheyga la gaarin, iyo markale markii sheeyada ay 7 iyo 21 maalmood dhaafaan. Haddii sheeyada ay waqtigooda dhaafaan wax ka badan 28 maalmood, sheeyada waxaa loo tixgelinayaa inay lumeen, qarashaadka badelka iyo qidmooyinka howsha ayaa lagu darayaa akoonkaaga, iyo kuuma suurtogaleyso inaad qaadatid sheeyo badan ama gashid illaha elektarooniga ah. Markii sheeyada la soo celiyo, qarashaadka badelaad
    iyo qidmooyinka howsha laga saaro, iyo markaas ayay kuu suurtogaleysaa inaad gashid gelitaan buuxo oo adeegyada markale.
  • Waxaad isticmaali kartaa kaarkaaga maktabada si aad ugu gashid intartneetka (bilaash ah) ee kumbuyuutarkaaga oo dhammaan maktabadaha oo dhan. Waxaad ku isticmaali kartaa aaladaada kuu gaarka maktabadaheena. Wi-Fi-ga waa bilaash oo baaswuudh uma baahno.

Sharuudaha xubinnimada buuxdo, fadlan tixraac: my.christchurchcitylibraries.com/conditions-of-membership/

Waxaan rajeyneynaa inaad adiga iyo qoyskaaga soo booqataan Maktabadaha Magaaladda Christchurch.

Print this page